4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2020
Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada sicir bararka dollarka
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Puntland ayaa guddi u saartay cabashada ku saabsan sarifka lacagaha qalaad, kadib markii baaqyo isdaba joog ah loo diray madaxweynaha Puntland iyo wasiirkiisa maaliyadda, taasoo ka dhalatay qiimaha dollarka oo gaaray meeshii ugu sareysa abid.

Guddiga la magacaabay ayaa darsaya xaalada lana kulmaya Sarifleyda si loo ogaado waxa saameeyay sicirka waxna looga qabto, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani.

Puntland waxay beenisay jiritaanka in maamulku suuqa kusii daayay lacago shilin Soomaali ah oo keenay in uu sii labi jibaarmo sicirka Bararka dollarka.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in Puntland ay hore uga mamnuucday deeganadeeda in lasoo geliyo lacaga been abuurka ah iyo In lacag Shillin Soomaali ah loo kala raro magaalooyinka.

Boqolka dollar ayaa gudaha Puntland lagu sarifayaa lacag dhan afar malyan iyo labo boqol oo shilin Soomaali ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]