4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2020
Puntland: Sicir bararka dollarka oo gaaray heerkii ugu sareeyay abid iyo culimada oo digniin bixisay
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay degaanada Puntland, waxaana uu saameyn xoogan ku yeeshay nolasha boqolaal kun oo qoys oo ku tiirsan lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

Boqolkii Dollar ayaa degaanada Puntland lagu kala sarifanayaa lacag dhan afar malyan iyo labo boqol oo Shilin Soomaali ah, taasoo ka dhigan in halkii dollar uu dhigan yahay afartan iyo labo kun oo shilin Soomaali ah.

Taariikhda, waa markii ugu horeysay oo qof kamid ah sarif layaasha ku sugan Puntland uu la ilmeeyo dhibaatada sicir bararku ku hayo bulshada.

Culimada Puntland ayaa jimcihii shalay ka digay musiibada ka dhalan karta sicir bararka xargaha goostay ee ka jira Puntand, waxayna masuuliyiinta ugu sareysa ugu baaqeen inay si degdeg ah kusoo faro galiyaan xaaladdan.

“Waxaad ogtihiin sicir bararku meesha uu marayo ka marayo Puntland, waxaa nasiib darro in dadku la ooyaan wadciga adag ee lagu jiro. Meeyeen dadkii masuuliyadda ka saarnayd ee dalkaan u dhaartay,” ayuu yiri, Sheikh Muqtaar Axmed Faarax oo kamid ah culimada Garowe.

Puntland, inuu heerkan gaaro dollarka, waa arin loo aaneeyo lacagaha badan ee shilin Soomaaliga ee ay daabacday xukuumadii Cabdiweli Gaas, balse maamulka hadda ee uu hoggaamiyo Siciid Deni ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay hal marna qaadin tallaabo wax looga qabanayo in dollarka lagusoo celiyo sidiisii hore.

Gobolada kale ee Soomaaliya, qiimaha dollarka ayaa ka maraya boqolkii dollar labo malyan iyo shan boqol.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]