3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2020
Ilhan Omar oo weerar afka ku qaadday madaxweyne Trump oo laga helay Covid-19
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ilhan Omar ayaa weerar afka ah ku qaaadday madaxweyne Donald Trump ka dib markii laga helay cudurka safmarka COVID-19, iyadoo sheegtay in uu si firfircoon u faafinayo fayraska islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada.

Ilhan Omar oo sheegtay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid19.

Waxay ku dhalleecaysay maamulka Trump inuu iska indhatirayo hagidda caafimaadka bulshada isla markaana uu cabudhinayo cilmiga lagu xakamaynayo cudurka.

Toddobaadkan, Madaxweyne Trump oo Minnesota ku qabtay isu soo bax iyo lacag ururin, ayaa ku xadgudbay tilmaamaha hagida hay'adaha caafimaadka isaga oo ku guuldaraystay inuu xirto maaskaro.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo  kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Madaxweyne Trump ayaa markii ay soo baxday natiijadiisa baaritaanka COVID-19 waxaa la geeyay goor dambe oo galabnimadii Jimcaha ahayd Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/3/2020 12:25 PM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-ilaalinta midowga Afrika u jooga Soomaaliya "AMISOM" General Ndegeye.

10/3/2020 11:57 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020-2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.

10/3/2020 10:25 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Puntland ayaa guddi u saartay cabashada ku saabsan sarifka lacagaha qalaad, kadib markii baaqyo isdaba joog ah loo diray madaxweynaha Puntland iyo wasiirkiisa maaliyadda, taasoo ka dhalatay qiimaha dollarka oo gaaray meeshii ugu sareysa abid.

10/3/2020 8:07 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Shantii sano ee u dembeysay kooxaha Soomaalida ah ee burcad badeedka ah ayaa waxay Af-duubteen dad gaaraya 3600 oo ruux , iyagoo qafaalay una qabsaday madax furasho, waxayna lakala socdeen maraakiib iyo doonyo kala duwan oo gooshayay biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.

10/3/2020 7:51 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, waxa uuna goobjoog ka noqonayaa heshiiska taariikhiga ah oo ay wada saxiixanayaan dowladda Suudaan iyo laba kamid ah hoggaanka kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan.

10/3/2020 2:33 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay degaanada Puntland, waxaana uu saameyn xoogan ku yeeshay nolasha boqolaal kun oo qoys oo ku tiirsan lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

10/3/2020 1:28 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Puntland iyo gobollada dhexe in aay ka da'aan toddobaadkan bilowday gudihiisa, sida ay shaacisay hay’adda Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya ee SWALIM.