4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Daacish oo sheegatay masuuuliyada weerar lagu dhaawacay saddex askari oo ka dhacay Muqdsho
 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Koooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar ka dhacay isgoyska Xoosh ee magaalada Muqdisho, maalintii Axadda ee shalay.

Weerarkan ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidanka dowladda sida ay sheegtay wakaalada wararka u faafisa Daacish ee la yiraahdo Amaq.

Macluumaad ka badan intaan laguma sheegin qoraalka kasoo baxay Daacish.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ay Daacish sheegato tan iyo markii dhowr bilood ka hor duqayn cirka lagu dilay dagaalamaayal iyo saraakiill katirsan kooxda oo ku sugnaa dhulka buuralayda ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ah fariisinkooda ugu weyn.

Daacish waxay weerarkaas ku weyday sarkaal sare oo ajnebi ah oo u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]