3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Dabley toogasho ku dishay maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo

 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Mas’uulkan ayaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda Duhur sida ay HOL u xaqiijiyeen  Ilo xog-ogaal ah.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, halkaa oo ay ka bilaabeen baaritaanno la xiriira dadka toogashadan geystay, mana jirto cid sheegatay dilkan in ay ka danbeysay ama ay u qabteen ciidamada amaanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
    

 














Click here
10/26/2020 11:13 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Koooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar ka dhacay isgoyska Xoosh ee magaalada Muqdisho, maalintii Axadda ee shalay.

10/26/2020 9:33 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Gudiga wadajirka ah ee shirka nabadaynta Adhicadeeye ayaa 29 bishan sheegay in uu soo gabagaboobayo, iyadoo la xaliyey dhamaan wixii kiis ahaa ee halkaasi la keenay marka laga reebo wax yar.

10/26/2020 4:46 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal heyn ka dhalatay cafiskii madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

10/26/2020 1:45 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Bukaannada cusub ee COVID-19 ayaa weli si aad ah u sii kordhaaya, sida ku cad tirooyinka ay soo saartay Jimcihii Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH).

10/26/2020 12:30 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.

10/26/2020 12:23 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.