4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Al-shabaab oo qabsaday degaano katirsan gobolka Sanaag
 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) -  Dagaalmayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay sheegtaan maamulka Somaliland.

Tuulooyinka Al-shabaab qabsadeen waxaa ka mid ah Mirici, Masha-Alled iyo Habasha Aw-Cali, oo 10km uun dhinaca galbeed ka xiga magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Lasqoray oo katirsan gobolka Sanaag.

Dhammaan tuulooyinka ayaa horey waxaa gacanta ugu hayey maamulka Somaliland.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyyo ciidan ka waday gobolka Sanaag.

Waxaa aad u adag in macluumaad dheeraad ah laga helo tuulooyinka Al-shabaab la wareegayaan sababa la xiriira isgaarsiinta oo adag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]