4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Xildhibaan Maareeye oo eedayn ku billaabay xukuumada raysal wasaare Rooble
 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) -  Wasiirka hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose, ayaa ku eedeeyay wasiirro katirsan xukuumada raysal wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa in ay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Maareeye oo xubin ka ah guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wasiiradda u yimid uu mid walbaa wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Soomaaliland.

Maareeye wuxuu sheegay isaga iyo xubno siyaasiyiin ah inay raysal wasaaraha codsadeen in aan lasoo faro galin doorashada xildhibaanada ka socda Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah wasiiraddii kasoo muuqan waayay xukuumada cusub ee shalay barlamaanku meel mariyay, ayaa hadda xusul duub ugu jira inuu mar kale kamid noqdo barlamaanka soo socda.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]