4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Danjire James Swan oo ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaaliya inay hadda sii qorsheeyaan doorasho qof iyo cod ah
 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) -  Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu yeeray hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay hadda bilaabaan ka baaraan dagidda tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loogu diyaar garoobo doorasho Qof iyo Cod, 2024 ama 2025.

Danjire James Swan ayaa sheegay tallaabooyinkaas inay u baahan yihiin in hadda la sii calaamadiyo oo lagu daro jadwal sanadeedka, aragti ahaanna ay ka heshiiyaan daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya.

 “Shaqo in la qabto u baahan ayaa jirta. Waxaan u baahannahay in aan si deg deg ah uga fakarno doorashada dambe iyo in aan kacaawinno Soomaalida imkaaniyaadka loo baahan yahay in la helo si loo xaqiijiyo“Qof iyo Cod” afarta sano ee dambe” ayuu yiri Swan.

Wakiilka gaarka ah waxa uu  xusay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ahay u ololeenayeen doorasho qof iyo cod ah, Hase yeeshee, shirarkii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiisku saabsan doorasho qaab kale ah.

Waxa uu muujiyey in uu ku rejo weyn yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toostoosiyey nidaamka doorasho ee dhawaan lagu heshiiyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haweenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]