3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Ayax duulaan ah oo lagu arkay meelo ka mid ah gobolka Sool
 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL) - Ayax la sheegay in uu ka soo duulay dhinaca gobolka Sanaag ayaa soo gaadhey degmada Xuddun ee gobolka Sool, kaas oo beegsanaya dhulka uu helay roobka Dayrta oo haatan aad u yar.

"Mar keliya ayaan dareenay hadh iyadoo aan daruur u qaadanay, waxaase mardanbe aan ogaaney in uu Ayax socoto ah yahay" sidaa waxa HOL u sheegay Maxamed Maxamuud oo ka mid ah reer guuraaga degan duleedka magaalada Xuddun.

Ayaxan ayaa la sheegay inuu ku degey meel dhinaca waqooyi galbeed kaga quman Xuddun oo roob lahayd dad badana ay degeen sida aan ka helayno dadka ku dhow degaankaasi.

Sidoo kale degaanka Qabri-bayax oo Laascaanood 30KM. koonfur kaga quman ayaa la sheegay in dhowaan uu ku degey degaan u dhow oo uu ka dhigay dhul abaar ah mid u muuqda.

"Dhul kayn ah oo u dhow Qabribayax ayuu ayaxan ku degey waxa uu fadhiyey illaa 20 saacadood, dhirtii caleentii markuu ka laastay ayuu diirkii ka fiiqay, waxaadna moodaa dhul abaar la gubtey" sidaana waxaa noo sheegay Axmed Cagaane oo waqtigaa ka yimi halkaas, waxaana uu intaas ku daray in uu sii dhaafay dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale meelo ka mid ah degmada Taleex ayaa la sheegay in ayaxan doolka ahi uu haleelay kana dhigay dhulkii la daaqi jirey lamadegaan, waxana la sheegayaa in uu u badan yahay dhinaca Soolka.

Kooxaha la dagaalama ayaxa oo beryihii u danbeeyey ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa shalay hawada magaalada Laascaanood lagu arkay mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo wareegaysa, mana jirto cid cadaynaysa in ay tahay tii ayaxa dadkaase u qaatay maadaama ay u ekayd.

Si kastaba ha ahaatee roobabkii Dayrta oo yaraaday iyo ayax duulaan ah ayaa cabsi xoogleh keentay in abaar aan xal loo helin ay timaado waqtiga soo socda.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online












Click here
10/23/2020 1:18 PM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo xigtay in labada dowladood Sudan iyo Israel ogolaadeen in ay caadi ka dhigaan xiriirkooda Dibulmaasiyadeed

10/23/2020 11:24 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa lagu waramayaa in laga helay Caabuqa Coronavirus kaddib tijaabo caafimaad oo lagu sameeyay

10/23/2020 10:36 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra'yiga, iyo isu imaatinka, xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayso doorashooyin guud.

10/23/2020 7:53 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa meel marisay islamarkaana ogolaatay in bukaannada la siiyo dawo la sheegay in lagu dabiibayo dadka qaba cudurka Covid-19, inkastoo haddana marka dhinaca kale la eego hay’adda caafimaadka dunida ay dhaliishay waxtarka dawadan.

10/23/2020 5:32 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)-Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo xukuumadda uu dhawaantay soo dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

10/23/2020 3:54 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump iyo Ninka la filayo in ay 3- bisha November ku tartamaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa yeeshay dooddoodii ugu danbeysay.

10/23/2020 3:35 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa xoogagga Ururka Al-shabaab.

10/23/2020 2:09 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa dhankeeda soo gubisay xubnaha Dowlad Gobolleedyada uga mid noqonaya Guddiyada Doorashada heer Federaal.

10/23/2020 1:43 AM EST
Jimco, October, 23, 2020 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday dugsi lagu barto diinta dalka Afghanistan.