4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Duqeyn lala beegsaday Dugsi Qur’aan oo lagu diilay 12 ruux dalka Afghanistan

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday dugsi lagu barto diinta dalka Afghanistan.

Warar ayaa sheegaya in duqeyntan ay ka dhacday dugsi Qura'aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Balse dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in ay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Weerarkan duqeynta ah ayaa yimid kaddib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

Saraakiisha mar wax laga weydiiyay eedeymahan la xiriira carruurta la sheegay in duqeynta lagu dilay waxaa ay sheegeen in ay baaritaan sameynayaan, laakiin inta ay ogyihiin oo kaliya duqeyntaasi ku dhinteen dagaalyahanno ka tirsan Taalibaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]