4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 21, 2020
Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig booliiska Kenya ku leeyihiin Mandhera
 

Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dagaal culus oo u dhexeeya booliska kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabab ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Mandheera.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii kooxda Alshabaab ay weerareen fariisin booliis oo kuyaala duleedka Mandera.

Sida ay wararku sheegayaan, saddex ka tirsan ciidamada Kenya ayaa dhaawacmay iyadoo loola cararay isbitaal ka agdhow halkaas oo lagu daweynayo.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Alshabab ay Saddex qof ka afduubeen Gobolka Mandheera.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel 30 kiiloomitir u jirta magaalada Lafey kadib markii rag hubaysan gaari dadweyne kala dageen saddex qof.

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sidoo kale dilay shan ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo militari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]