3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 21, 2020
Bahda Isboortiga ee barisamaadkii oo u hanbalyeeysay Wasiirka Cusub ee Isboortiga Mudane Xamsa
 

Arbaco, October 21, 2020 (HOL) -Cabdulqaadir Xaaji Daahir ( Shiikha) oo ka tirsanaa cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha kubadda koleyga iyo naadigii Badda, haatana ah Tabararaha xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga iyo Guddoomiyaha Guddiga cayaartooydii hore (Somali Legends) ee qurbaha oo u istaagay taakulaynta walaalaha isboortiga ee ku nool Dalka gudahiisa, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Mudane Xamza Saciid Xamza isaga oo ugu hambalyaynaya magacaabidda loo magacaabay jagada wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga.

Tababare Shiikha HOL weydiisay sida uu u arko magacaabiddan wasiirka  cusub, waxa uu shaqsiyan ka yaqaano iyo waxa uu ku soo kordhin karo horumarka isboortiga ayaa ku jawaabay sidan: marka hore waxaan aaminsanahay in shaqo wanaagsan ay soo qabatay wasiiraddii wasaaradda isboortiga  Marwo Khadiijo Diiriye iyo shaqaalaheedii wasaaradda oo ay  horumar badan u horseeday dhallinyarada iyo isboortiga muddadii ay xilkan haysay, aad baana u bogaadinayaa hawsha muuqata   oo aan la qarin Karin oo ay soo qabteen iyada iyo shaqaalaheedaba .

Dhanka kale waxaa uu ii sheegay in uu aad u yaqaano Wasiirka cusub ee Xamza oo uu ku sheegay inay isku naadi ahaayeen (Dekedaha-Badda) isna uu ciyaari jiray kubadda cagta , waxaana uu ka mid ahaa ciyaartooydii  naadiga  Dekedaha kuwoodii   ugu firfircoonaa, anigana aan ka mid ahaa ciyaartooydii kubadda koleyga ee naadiga Badda , Waxaa uu ku dhashay magaalo xeebeedka  Baraawe sannadku markuu ahaa 1955 kii, hase yeeshee waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho, isaga oo halkaasi ka bilaabay ciyaaridda kubadda cagta.. 1972/1973 kii ayuu u saftay gobolka banaadir oo labadaasi sanoba ay ku guulaysteen koobkii kubadda cagta  kooxdii gobolka Banaadir oo uu masilayay, waxaana u suuro gashay markii la arkay xirfaddiisa aqooneed ee kubadda cagta  in 1974 kii uu si toos ah ugu biiro kooxdii kubadda cagta  heerka 1aad ee naadigii Dekedaha oo uu ka tirsanaa ilaa sannadkii 1979kii oo uu naadigaasi uu kala qaybgalay ciyaaro heer caalami ah.Xilligaasi wixii ka dambeeyay ,waxaa uu u wareegay koox ka tirsanayd Emiraatka carabta oo la oran jiray Alshabaab FC oo uu ka tirsanaa ilaa 1980 kii  oo ahayd xilliguu ugu dambaysay oo uu cayaaraha ka fadhiisto, waxaana lagu xusuustaa muddadii uu cayaaraha ku jiray inuu ahaa nin deggan ,xirfad wanaagsan, aadna u ixtiraami jiray ciyaartooyda kale.  

Tababare Shiikha,Waxaa kale oo uu ii sheegay inuu yahay Wasiir Xamza Shaqsi wax badan ku soo kordhin Kara horumarinta  isboortiga Soomaaliyeed oo Booskaasi loo magacaabay uu yahay Shaqsi u qalma oo aqoonteeda leh, horayna u soo Ciyaaray, dareemi kara baahiyaha isboortiga ee  ka jira dalka guud ahaantiisa iyo daryeelka ay maanta u baahan yihiin halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka gudahiisa ha noqdaan kuwii u soo ciyaaray naadiyada dalka  iyo kuwii calanka qaranka soo difaacay intuba,  waxaan marka oran karaa mudane Xamza inuu yahay shaqsigii ugu habboonaa ee loo doorto hoggaanka isboortiga Soomaaliyeed xukuumadihii la soo dhisay wixii ka dambeeyay burburkii ku dhacay dalkeena Soomaaliya, wax badan oo laga gaabiyayna fahmi kara, waxna ka qaban kara.

Ugu dambayntii , aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dhallinta cuslaatay ee Isboortiga qurbaha (Somali legends), waxaan ku leenahay mudane Wasiir guulayso, garabkaaga Allaha galo, hawshana Allaha kuu fududeeyo Waana ku taageeraynaa wixii karaankeena ah Inshaa Allah.

Siyad S Salah, Hiiraan Online
Minneapolis Minnesota












Click here
10/21/2020 5:27 PM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Waasaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka galmudug ayaa caawa ku dhawaaqday liiska saxda ah ee xubnaha golaha degaanka degmada galkacyo kuwaas oo ka kooban 27 xildhibaan.

10/21/2020 8:42 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa si adag waxay uga soo horjeesteen dhismaha maamulka Hirshabelle.

10/21/2020 8:35 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dagaal culus oo u dhexeeya booliska kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Mandheera.

10/21/2020 5:20 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay howlagalo ciidamada Militariga Soomaaliya ka sameyeen deegaano ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

10/21/2020 2:03 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu sida ugu shaqsiyaha badan ugu howlgalayo sidii Somaliland usii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow labo bilood ku xiran Hargeysa.

10/21/2020 1:45 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka China oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor.

10/21/2020 1:14 AM EST
Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) bilad sharaf loogu abaal gudayo kaalintii uu ka qaatay badbaadinta shacabka reer reer Hargeysa, mudadii ay colladda u dhexesay SNM iyo xukunkii siyaad Barre.