4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2020
Saciid Deni "Waxaa soo idlaaday walaacii laga qabay doorashada dalka"
 

Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay inuu dhammaaday walaacii laga qabay doorashada Soomaaliya, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo diyaar garoobo sidii loo aadi lahaa.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waa uu hadalkaan sheegay xilli uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo u safraya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagusoo bandhigay jadwalka doorashada xildhibaannada labada Aqal iyo hab raac kale oo la xiriira sidii loo xallin lahaa  khlaafyada yimaada .

madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada magaalada Muqdisho, waxa uuna qeyb ka ahaa madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee ka arrinsanayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]