4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Ayax tiro badan oo ku dagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Ayax tiro badan oo guuraya uu ku habsasay ilaa 32 tuulo oo hoos yimaada degamada Maxaas.

Ayax oo aad u fara badan ayaa ku fariistay dhul lagu qiyaasay ilaa 80 KM sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Ayaxan ayuu sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas inuu kaga yimid dhanka gobolka Galgaduud, waxuuna sheegay inuu xaalufinayo dhulkii daaqa ahaa iyo geedahii kuyaalay deegaanka.

"Ayaxa dhirtii iyo daaqa intuu dhameyay ayuu hada cunaya filaqa la saarto aqal Soomaaliga lagu hoydo dadkuna way u tabar waayeen iney iska kiciyaan marka xaalada deegaanka waa mid halis ah waxuuna ayaxa baaba'shay daaqii xoolaha maadama dadka reer Maxaaseed ay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah "ayuu yiri guddoomiye Muumin Maxamed Xalane"

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]