4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Dowladda Ingriiska oo Kenya u tababaraysa kun askari oo Soomaaliya loo dirayo
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 1,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa qaadanaya tababar dagaal, oo ay bixinayaan saraakiil ka socda dowladda Ingiriiska, ka hor intaan loo soo dirin Soomaaliya bisha Janaayo 2021.

Askartan ayaa loo tababarayaa xeeladaha dagaalada dhuumaaleysiga ah oo ay adeegsadaan Al Shabaab, si loogu diyaariyo ka mid noqoshada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Waajibaadka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya oo lagu wado inuu meesha ka baxo sanadka 2021-ka, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in aanay suurtagal in ciidanka AMISOM xilligaas ka baxayaan Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa u ballanqaday inay Kenya u tababarayso ciidamo leh  waxtar lagula dagaallamayo Shabaab. Waxyaabaha la barayo waxaa kamid ah, baaritaanka waxyaabaha qarxa, la tacaalida maxaabiista Alshabab ee isisoo dhiiba iyo falalka isqarxinta.

Tababbarkan uu militariga Ingiriiska siinayo ciidamada Kenya wuxuu ka dhashay iskaashi istiraatiiji ah oo ay ku kala saxiixdeen Xoghayaha Difaaca Kenya Monicah Juma iyo dhiggeeda UK Ben Wallace bishii Sebtember ee 2019.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]