4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo maanta gaaray magaalada Jowhar
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanadda Hirshabelle.

Duubab dhaqameedyada maanta gaaray magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhaweyay masuuliyiin ka tirsan guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Duubabka dhaqanka ee maanta Jowhar lagu soo dhaweyay waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Maxamed Wali Xuseen Islow waxaana ujeedka Jowhar ay u tageen lagu sheegay sidii ay wax uga soo xuli lahayeen Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Inkastoo uu dhamaaday mudo xileedkii 4-ta sanno ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wada sida qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo dhismaha Hirshabelle labaad bisha soo socota ee Novembar waxaana wali jira tabashooyin badan ay qabaan beelaha daga Hirshabelle oo ku aadan sida ay ku socoto hab dhismeeska Hirshabelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]