4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Duulimaadyadii garoonka diyaaraddaha Baledweyne oo xirmay
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Waxaa maanta hakad ku jira shaqooyinkii garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii ay dhex fariisteen biyo ka dhashay roobab ka da'ay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ayaa sanadkiiba laba jeer u xiraan howlahiisa shaqo ee duulimaad marka la gaaro xiliyada curashada roobabka guga ama deyrta.

Qofkii raba inuu u socdaalo magaalada Muqdisho waxuu u safra deegaanka Gurceel halkaas oo uu ka sii raaci karo diyaaradii geyn laheyd Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Baledweyne ayaa sanad waliba wajaha caqabadaha xirnaashaha garoonka diyaaradaha iyo barakaca fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle, mana jirto maamul ama dowlad ama shacab isku dayaya sidii caqabadahaas looga bixi lahaa.

Baledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu caansan Soomaaliya uguna faca weyn jiritaanka deegaan ahaaneed ee gobolada dalka balse nasiib maysan u helin mansabkii ay mudneed iyo dadkii ka samata bixin lahaa burburka iyo dib u dhaca ragaadiyay magaalada tan iyo waxii ka dambeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]