4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo soo dhoweeyay safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Canada
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Canada.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo, Xasan Daahir Dimbil ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyay ee Canada sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay safiir u dirtay dalka Canada sanadkii 2014 xilligaas oo uu Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) uu u magacaabay xilkaas madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dimbil oo ka soo jeeda magaalada Boorama ayaa horey u soo noqday wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Somaliland.

Safiirka cusub ayaa ku sii jiri doona karantiil muddo 14 maalmood ah iyadoo la waafajinayo xeerarka COVID19 ee Canada ka hor inta uusan bilaabin howshiisa.

Wuxuu qadka taleefanka kula hadlay HOL isagoo ku sugan hudheelkiisa wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo dhaweyn diiran kala kulmo jaaliyadda Soomaalida-Canada ee Ottawa.

Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Canada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]