4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2020
Dowladda Soomaaliya oo cafis u fidisay ciidan iyo saraakiil ku sugan gobolka Gedo
 

Jimco, October 16, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa shaaciyay in ay dowladda Soomaaliya  cafis u fidisay ciiddanka iyo saraakiisha uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ee gudaha u galay Kenya.

Hadalkaan ayuu taliyaha ka shaaciyay kulan uu isaga iyo ku xigeenka hay’adda NISA, Abdul Kulane la qaateen bulshada Balad xaawo, iyagoo u sheegay in dowladdu soo dhoweynayso askari kasta oo dib ugusoo laabta degaankiisa iyo waajibaadkiisa qaran.

"Dowladda Soomaaliya waxay waalidiinta na hor-fadhida u balanqaadaysaa qiimo kasta oo ay ku kacayso in aan Dowlad ahaan diyaar u nahay soo celinta, cafinta iyo soodhaweynta saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Banyoolay Kenya" ayuu yidhi odawaa

Dagaalladii bilo ka hor dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee gobolka Gedo, ayaa sababay in ciidamo beeleed uu hor kacayay Cabdirashiid Janan ay gudaha u galaan xuduuda Kenya, kadib markii looga awood roonaaday dagaaladdaas.

Maalmo ka hor, dowladda Soomaaliya ciidamo kale oo badan ku daabushay gobolka Gedo, si u sii xaqiijiso gacan ku haynta gobolka Gedo, oo weli ay isku khilaafsan yihiin Jubbaland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]