3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2020
Shirka Nabadaynta Adhicadeeye oo gabgabo maraya iyo munaasib lagu qabtay Laascaanood


Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Shirka nabadaynta Adhicadeeye ayaa haatan maraya meel gabagabo ah, kaas oo inta badan lagu dhameeyey dhacdooyin qaarkood ku dhowaad 30 sano taagnaa.

Munaasibad qado ah oo labada beelood mid ka mid ah u samaysay beesha kale ayaa lagu qabtay hotel Casuura ee magaaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaas oo looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka iyo isfahanka labada beelood oo in badan aan xog laga hayn meesha uu marayo shirka Nabadaynta Adhicadeeye.

Xasan Jaamac Faarac "Xasan Geerash" oo munaasibadan qabtay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim noqotay in ka hor dhamaadka shirka maadaama uu gabagabo ku dhow yahay la bilaabo is waraysi iyo is xuuraansi bulshada labada beelood.

"Waxaan u mahad naqayaa waxgaradka beesha Maxamed Siyaad sida u soo ajiibeen, waxaana idiin sheegayaa in xafladani ay tahay bilaw laakiin ay jiri doonaan kuwo badan oo isdaba socda" sidaa waxaa yidhi keyse Maxamud Indhataag.

Sidoo kale Caaqil Cabdilqaadir Abayan Koore oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tabaadan ay tahay tii ugu qaalisanayad isagoo yidhi "maanta waxay ka dhigan tahay maalintii la baabiiyey derbigii Baarliin ee Jarmalku xayndaabkii dhex yaaley laga qaaday"

Qaar badan oo ka mid ah cuqaasha labada beelood oo dhamaantood muujiyey dareenkooda, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha gudiga wadahadalada labada beelood Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo sheegay in shirkii aanu dhamaan balse laga gudbey caqabadihii adkaa.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo mudadii wadahadaladu socdeen ku sugnaa magaalada Laascaanood oo halkaasi ka hadlay waxa uu u mahad celiyey qabanqaabiyihii qado sharaftan, waxaanu ugu baaqay labada dhinac in ay halkaasi ka sii wadaan.

"Shirka maad u joogi weydey ayaa lagu yidhi, waxaana idhi guurtida labada beelood ayaan aqaan oo uma baahna culays, waana tan muuqata ee maanta aynu midheheedii aragno" sidaana waxaa yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo dardaaran iyo duco ku soo gabgabeeyey.

Si kastaba ha ahaatee is fahan buuxa ayaa haatan ka muuqda shirka nabadaynta Adhicadeeye oo uu sababay colaado soo taagnaa mudo ku siman sodon sanadood, waxaana lagu xalinayaa in ka badan boqol kiis oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, waxaana la filayaa inuu sii socdo todobaadyada soo socda, waxaana la sheegayaa in weji labaad oo laba beelood oo halkaa wada degana ay bilaabmi doonto marka tani dhamaato.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood












Click here
10/15/2020 2:30 PM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle.

10/15/2020 8:26 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay dhismaha hay'adda gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degga ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

10/15/2020 8:12 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

10/15/2020 2:20 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Hay'adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda.

10/15/2020 2:16 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa si deg deg ah uga digay halista ka bixitaanka Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Trump uu raadinayo dhimista ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.