4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Beesha caalamka oo ku boorrisay hoggaamiyaasha Soomaalida inay dardar galiyaan doorashooyinka
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay dib u soo nooleynta wadahadalladii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Wakiiladda beesha caalamka oo Muqdisho kulamo kula yeeshay qaar kamid ah madaxda dowladda iyo maamulada, ayaa ku boorriyay  in ay sii wadaan diyaar-garowga doorashooyinka qaranka si ay kaalin uga qaataan doorasho ku dhisan daahfurnaan, caddaalad iyo wada-oggol.

Dhinaca kale, Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay inuu ku biiray deeq bixiyaasha dhanka doorashooyinka Soomaaliya, xilli dowladda federalku dhawaan codsatay in laga caawiyo dhaqaalaha doorashada.

Xilli ay soo dhowdahay doorashada Soomaaliya ayaa wakiiladda beesha caalamka waxay kulamo dardar galin ah la yeelanayaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, si aan jadwalka dib uga dhicin.

Kulan dhawaan dhexmaray raysal wasaaraha iyo beesha caalamka, ayaa looga hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo hufnaanta, wada-oggolka, iyo sida ay saaxiibbadu gacan uga geysan karaan arrinkaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]