3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Hay'adda NISA oo qabatay 79 Tan oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) -Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegtay in ay gacan ku dhigtay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid” oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey ururka Al-shabaab.

Hay’adda NISA qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay in ay wajihi doonaan Sharciga dadka dalka soo galiyay maadadan oo ah waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada lagu farsameeyo gudaha dalka.

Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada.

Sulfuric acid waa mid ka mid ah kiimikooyinka warshadaha ee inta badan loo isticmaalo in lagu abuuro qaraxyada.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/14/2020 11:45 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay dib u soo nooleynta wadahadalladii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

10/14/2020 7:39 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Qoyska gabyaagii reer Eritrea ee la waysanaa ayaa soo dhoweeyay in la maamuuso wiilkoodii, kadib markii loo aqoonsaday inuu astaahilo abaal marinta caalamiga ah ee PEN ee lagu dhiirra-geliyay qoraayada iyo hal-abuurka.

10/14/2020 7:34 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Maxamuud Yaasiin oo ahaa jilaa caan ah oo aad loo jeclaa ayaa ku dhintay gudaha waddanka Masar, waxa uuna magac weyn ku lahaa dunida Carabta oo dhan waxa uu ku geeriyooday da’da 79 sano.

10/14/2020 7:01 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - War kooban oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa ugu horreyn tacsi loogu diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo maanta xasuusanaya dadkii lagu dilay qaraxii 14-kii, October, 2017-dii ka dhacay Is-goyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

10/14/2020 6:54 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha aan weli ku dhawaaqin xukuumaddiisa ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu markii ugu horreysay ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilli uu ka qeyb-galayay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka qaranka ee loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii seddex sano ka hor ka dhacay Isgoyska soobbe ee magaalada Muqdisho.

10/14/2020 6:48 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in maanta uu weerar ka dhacay bar koontarool oo lagu ilaaliyo degmadaas , oo ku taalla jihada dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

10/14/2020 3:28 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017, ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

10/14/2020 1:46 AM EST
Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay la taliyeyaashiisa sarsare inuu doonayo in uu la baxo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.