4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Dowladda Soomaaliya oo heshiiska u kordhisay shirkadda Albayrak ee maamusha dekeda Muqdisho
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Shirkadda maamusha dekeddaha Turkiga ee Albayrak iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis shirkadda siinaya in ay muddo 14 sano ah sii maamusho Dekedda Muqdisho.

Heshiiska oo ka dhacay Muqdisho ayaa daba socday wada-hadallo taxane ah, iyadoo dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka wadaagga dakhliga ee u dhexeeya labada dhinac.

Heshiiska waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixday Wasiirka Dekedaha Mariam Aweys Jaamac, iyadoo sheegtay in shirkadda Turkiga ay gacanta ku hayndoonto hawlaha Terminalka iyo adeegyada kale ee dekedda.

Shirkadda Albayrak ayaa tan iyo sanadkii 2013 maamulaysay dekeda Muqdisho, kadib heshiis 20 sano ah oo ay la gashay dowladdii madaxweyne Xasan Sheikh, laakiin dowladda hadda jirta ayaa bilowday in dib looga wada xaajoodo heshiiska.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in shirkadda dekeda ku maalgaliso $50 milyan muddo shan sano ah si loo casriyeeyo dekedda.
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]