4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo Soomaalida ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray war qoraal ah ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta calanka dalka ee ku beegsan 12-ka, October. Waxa uuna guud ahaan shacabka ugu baaqay in la ilaaliyo qarannimada iyo kala dembeynta waddanka.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah." Ayuu madaxweynaha ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dowladda uu madaxda ka yahay ay ilaalisay qiyamka Soomaalinimada , sidoo kalana ay soo celisay sharaftii dalka uu ku lahaa caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed’ waxaa sidaas lagu qoray war-saxaafadeedka Villa Somaliya ay sii daysay.

Ugu dembeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Soomaalida iney u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]