4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Puntland oo xabsi daa'in ku riday dhalinyaro da'yar oo katirsan Al-shabaab
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuntay saddex nin oo dhalinyaro oo katirsan ururka Alshabab, kuwaas oo lagu qabtay dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari.

Ismaaciil Cabdulaahi Ibraahim iyo Xasan Uulow Ibraahim, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii maxkamadu caddeysay inay kamid yihiin Alshabab laguna qabtay iyagoo dagaal kula jira ciidamada Puntand.

Maxkamada ciidamada ayaa sodoo kale, Maxamed Ibraahim Isaaq oo da’diisu tahay 16 sano jir waxay ku xukuntay in loo sameeyo dhaqan celin laguna wareejiyo wasaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee Puntland.

Dhalinyaradaan la xukumay oo dhammaantood da’doodu ka yar tahay 2o sano jir, ayay Puntland sheegtay in lagusoo tababaray gobolada koonfurta Soomaaliya kadibna loosoo safriyay Puntland, si ay dilal iyo qaraxyo uga geystaan.

Xukumanayaashu waxay haystaan racfaan 30 cishe ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]