4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Hooyo haysta saddex carruur ah oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Burco
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Ugbaad Cali Cabdullaahi oo ahayd hooyo haystay saddex carruur ah sidoo kalena ahayd arday jaamacaddeed, ayaa xalay lagu kufsaday laguna dilay magaalada Burco, sida ay warbaahinta u sheegeen qoyskeeda.

Marxuumada oo la weysanaa ayaa maydkeeda laga helay meel katirsan Burco, kadib markii uu booliiska sidaas u sheegay nin falkaas lagu eedeeyay.

Ninkan oo hadda ay baaris ku socoto, ayaa la sheegay inuu wax ka degenaa guriga marxuumada ay ku noolayd, waxaana gabadha reerkeedu saxaafadda u cadeeyeen inuu qirtay inuu isagu gabadha kufsaday kadibna uu dilay.

Waa dhacdadii ugu horeeysay oo nuucaan oo ah ka dhacda Burco. Dadka deegaanka ayaa aad uga xumaaday falkaan waxayna maamulka ugu baaqeen in shareecadda islaamka lagu qaado qofka falkaan ka dambeeyay.

Laamaha booliisku weli warbixin rasmi ah kamasoo saarin falkaan dhacay, hase yeeshee waxa weli socda baaritaanka maydka marxuumada, si loo xaqiijiyo sida falku u dhacay iyo inuu dilku ka horeeyay kufsi.

Kufsiga la socda dilka, ayaa Soomaaliya kusoo badanaya sanadihii ugu dambeeayy, Kiiskaan ayaa noqonaya kiiskii shanaad oo nuuciisa ah oo laga diiwaan galiyo Soomaaliya muddo labo sano gudaheed ah.

Horey kiisas nuucaan ah ayaa uga dhacay, magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Muqdisho iyo Lughaye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]