4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Jalalaqsi
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray magaalada Jalalaqsi ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi gaar ahaan Saldhiga Booliiska iyo hoyga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh sida ay Shabakadda HOL u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Weerarka oo muda kooban socday ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nooc yadiisa kala duwan taasoo argagax badan ku beertay dadka degmada waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay xaafadaha degmada ay ka kooban tahay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la arkayay saaka iyago howlgalo balaaran oo baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka degmada Jalalaqsi oo ku saabsan qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Jalalaqsi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]