4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Muuse Biixi iyo James Swan oo ka wada hadlay soo celinta wada shaqaynta labada dhinac
 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiayaan shir khadka taleefanka oo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan, maalintii Isniinta.

Somaliland waxay joojisay dhammaan hawlihii la xidhiidhay  Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee UNCF ee ay kala saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku eedeysay Qaramada Midoobay inay amarro ka soo qaadatay magaalada Muqdisho iskuna dayeen inay fuliyaan mashaariic aan la jaanqaadeynin Qorshaheeda Horumarinta Somaliland.

Ma cadda sida dawladda Soomaaliya uga falcelin doonto heshiis kasta oo toos ah oo dhexmara maamulka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]