4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Ilhan Cumar oo difaacatay kursigeeda aqalka Koongareeska
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Ilhan Cumar oo ka tirsanayd golaha gongareeska Maraykanka ayaa ku guuleysatay inay difaacato kursigeeda aqalka Koongareeska ee doorashada ka socota Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa ka guuleysatay haweeneyda ganacsato oo lagu magacaabo Lacy Johnson, taasoo ka socotay xisbiga Jamhuuriga.

Ilhan waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah ee xubin ka noqda Koongaraska Mareykanka, waana mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee muslim ah ee loo doorto Koongareeska sannadkii 2018.

Waxay Ilhan cumar xubin ka tahay koox loogu yeero "Squad" oo ah afar haween ah oo ka tirsan congreeska dimuqraadiga oo ay ka mid yihiin Rashida Tlaib oo ka socota Detroit, Alexandria Ocasio-Cortez oo ka socota New York iyo Ayanna Pressley oo reer Boston ah.

Dhinaca kale, dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sidoo kale ku guulaystay kuraasta ay u tartamayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]