4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Dowladda Ghana oo 147 sarkaal oo booliis u soo dirtay Soomaaliya
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Dowladda Ghana ayaa Boqol iyo afartan iyo todobo sarkaal oo Boolis ah oo laga soo xulay booliiska gaarka ah ee dalkaas u soo dirtay Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa lagu sheegay inay ka caawinayaan booliska Soomaaliya ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.

Agaasimaha, Waaxda Xiriirka Caalamiga ah, ahna Kaaliyaha Taliyaha Booliska, Mr. Baba Saanid Adamu ayaa saraakiisha ka hor intaysan dhoofin, wuxuu kula taliyay inay ahaadaan kuwa xirfad ku leh waajibaadkooda nabad ilaalinta.

Saaraakiishan oo Muqdisho ka dagay ayaa ka howlgalidoona magaalada Baydhabo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]