4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Abiy Ahmed oo amray Howlgal militari oo ka dhan ah gobolka Tigray-ga

 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL)- Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar buuxa ku siiyay ciidamada difaaca Qaranka ee ENDF in ay qaadaan howlgal ka dhan ah Ismaamulka  Tigray-ga.

Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay Tigray-ga in ay isku dayayaan weerar ka dhan ah xero militari oo ku yaala dhinaca Waqooyiga, islamarkaana doonayaa in ay bililiqeystaan sida uu hadalka u dhiggay hanti Qaran oo uu militarigu leeyahay.

''Waxaa laga gudbay diilintii ugu danbeysay ee caseyd, ciidamada waxaan amreynaa in ay badbaadiyaan Qaranka, marar badan waxaan isku deynay in aynu ka fogaano dagaal ayuu yiri Abiy.

Waxaa uu kula dardaarmay dadka reer Itoobiya in ay mar walba si dhaw ula socdaan xaalada iyo wax is badali kara, islamarkaana taageerro u muujiyaan ciidamada howlgalka  inta lagu guda-jiro.

Tigray-ga ayaa dalkaasi  Itoobiya soo xukumayay ku dhawaad 30 sano ka hor inta uusan xilka qaban Abiy  Axmed oo ka soo jeeda Qowmiyada Orormada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]