5/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Mid ka mid ahaa raggii uu xirnaa weerarkii Jaamacadda Gaariga oo xabsiga isku dhax dilay


 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) -Rashid Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu waramayaa in uu isku dhax dilay qolka xabsigii uu ku xirnaa oo lagu magacaabo  Kamiti Maximum  sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya.

Rashid ayaa xabsi daa'in lagu xukumay kaddib markii lagu helay in uu ku lug lahaa weerarrkii 2015ka lagu qaaday Jaamacadda magaalada Gaarsiga.

Qolka uu uga jiray xabsiga ayaa laga dhax helay meydkiisa isaga oo ka lusha daaqada qolka qoortana isaga xiray gabal ka mid ah bustihiisa jiifka.

"Mberesero wuxuu isdilay isagoo adeegsanaya gabal buste ah oo uu u isticmaalayay qolkiisa 24 ee kuyaala Block H," ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka xabsiga.

Mberesero iyo laba qof oo kale ayaa lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya 41 sano ilaa xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah in uu ka dambeeyay xasuuqii 148 qof ay u geysteen jihaadiyiin Soomaali ah Jaamacadda Gaarisa ee waqooyi Bari Kenya sanadkii 2015.

Sababta Mberesero loogu xukumay xabsi daa'inka ayaa lagu sheegay in lagu qabtay goobtii uu xasuuqa ka dhacay ee gudaha Jaamacadda, laakiin haddana ugu danbeyntii waa uu is dilay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    














Click here
11/30/2020 9:53 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo la amray in dib dalkiisa ugu laabto.

11/30/2020 8:15 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

11/30/2020 8:13 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta golaha barlamaanka.

11/30/2020 6:52 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay dajiyaan xaalada iyo hadallada hajabaada ah ee hawadda leysku marinayo ee la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

11/30/2020 4:04 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka ay ka gadoodeen go’aan barlamaanku ka qaatay heshiiska DP world.

11/30/2020 3:21 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Masuuliyiinta garsoorka Somaliland ee gobolka Sool ayaa shaqooyinkoodii hakad u galiyay sababo amni darteed, kadib dilalkii is xigxigay ee loo geystay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sool iyo garsoore kale.

11/30/2020 1:43 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Beesha Gaaljecel ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqa ciidan ee uu hogaamiyo Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

11/30/2020 1:11 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Suuqyada ganacsiga Garowe ayaa saaka albaabada la iskugu laabay iyadoo dad isku abaabulayaan mudaharaad loogasoo horjeedo sicir bararka dollarka iyo maciishada.

11/30/2020 12:13 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

11/30/2020 12:06 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.

11/30/2020 12:03 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ayeey xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug