3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Dowladda Kenya oo ka hadashay go'aankii lagu eryay safiirkoodii Soomaaliya

 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo  oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.

Macharia Kamau  xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Kenya siweyn uga xun tahay tallaabada Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya, isaga oo sheegay in Kenya dib u eegis ku sameyn doonto arintan si xal looga gaaro.

Kamau ayaa yiri'' waxaa qaadi doonaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal''

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa xumaa xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan Kenya fara-galin arrimaha gudaha ah gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo Kenya ay ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   














Click here
11/30/2020 9:53 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo la amray in dib dalkiisa ugu laabto.

11/30/2020 8:15 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

11/30/2020 8:13 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta golaha barlamaanka.

11/30/2020 6:52 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay dajiyaan xaalada iyo hadallada hajabaada ah ee hawadda leysku marinayo ee la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

11/30/2020 4:04 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka ay ka gadoodeen go’aan barlamaanku ka qaatay heshiiska DP world.

11/30/2020 3:21 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Masuuliyiinta garsoorka Somaliland ee gobolka Sool ayaa shaqooyinkoodii hakad u galiyay sababo amni darteed, kadib dilalkii is xigxigay ee loo geystay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sool iyo garsoore kale.

11/30/2020 2:48 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) -Rashid Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu waramayaa in uu isku dhax dilay qolka xabsigii uu ku xirnaa oo lagu magacaabo Kamiti Maximum sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya.

11/30/2020 1:43 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Beesha Gaaljecel ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqa ciidan ee uu hogaamiyo Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

11/30/2020 1:11 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Suuqyada ganacsiga Garowe ayaa saaka albaabada la iskugu laabay iyadoo dad isku abaabulayaan mudaharaad loogasoo horjeedo sicir bararka dollarka iyo maciishada.

11/30/2020 12:13 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

11/30/2020 12:03 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ayeey xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug