4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Wararkii ugu dambeyay caawa iyo xaalada magaalada Baledweyne

 

Sabti, November, 28, 2020  (HOL) - Xaalada magaalada Beledweyne ayaa guud ahaan caawa deggan kaddib dibadbax meelaha qaar rasaas leysku adeegsaday oo maanta ka dhacay.

Dad ka carreysan maamulka Hirshabeelle dhinaca kalana taageersan dhaqdhaqaaqa Jabhadda uu hoggaamiyo Generaal Abuurka Xaaji Warsame Xuud ayaa maanta magaalada ka dhiggay dibadbax xooggan oo saameyn adag ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyadoo dadka dibadbaxa dhiggayay ay isugu taggeen ilinka hore ee xarunta gobolka oo uu deggan yahay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Wali guud ahaan marka la eego ma jiro wax xal ah oo laga gaaray khilaafka ka taaggan imaashiyaha madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo uu qorshuhu ahaa in lagu caleemo saaro magaalada Beledweyne.

Hasse ahaatee madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa dhankiisa ku adkeysanaya imaashiyaha madaxweynaha.

Lama oga sida maalmaha soo socda wax isku badali doonaan madaama uu wali taaggan yahay khilaafka arintan ku saabsan iyo kacdoonka bulsho ee ka dhanka ah hannaanka loo maray  dhismaha Labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]