3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka oo soo gaaray Soomaaliya
 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller ayaa jimcihii maanta usoo safray Soomaaliya si uu ula kulmo ciidamada mareykanka ee halkaas ku sugan.

Booqashadiisa ayaa kusoo beegantay xilli madaxweyne Donald Trump uu ka fiirsanayo in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya.

Miller oo tobankii bishaan uu magacaabay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Donal Trump, ayaa khamiistii shalay gaadhay Jabuuti iyadoo safarkiisa uu ku saabsan yahay fasaxa mahadnaqa si uu ula kulmo ciidamada dalkiisa.

Socdaalkiisa Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah dhambaalkiisa mahadnaqa iyo taageerada ah ee uu u dirayo ciidamada Mareykanka ee ka howlgala magaalada Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka.

Macluumaadka ku saabsan saldhiga ama ciidamada gaarka ah ee Miller la kulmay lama shaacin. Waana booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimaado Soomaaliya.

Booqashada Miller ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Trump uu tixgalinayo yareynta ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa wada howgallo lagula dagaallamayo argagixisannimada waxayna tababaraan, la taliyaan, gacan ka geystaan taageerada ciidamada Soomaaliya.

AFRICOM ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay khatarta ugu badan, ugu awooda badan qaaradda Afrika.

Sanadkii la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay ka dambeysay seddex weerar oo lagu dilay ama lagu dhaawacay shaqaale Mareykan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/27/2020 2:55 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo qof naftii hallige ah uu ka geystay maqaayad lagu caweeyo oo kuyaala wadada garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

11/27/2020 2:44 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Odayaasha iyo waxgaradka Beelweynta Xawaadle ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah kula qaatay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Waqooyi Bari ilaa 13 KM Hogaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Janaraal Abuukar Warsame Xuud.

11/27/2020 12:16 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayadda jalaato Devino oo ku taal wadadda laga galo Garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade ,maqaayada ayaa ah mid inta badan dadku isugu yimaadaan.

11/27/2020 8:31 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa looga hadlay hanjabaadii uga timid guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish fariin uu soo diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

11/27/2020 4:03 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Isaga oo wareysi siinayay France 24 ayuu sheegay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shiddo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu yahay mid lagu soo celinayo'' Amarka iyo Kala danbeynta gobolka''

11/27/2020 12:42 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taal dalka Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.