4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Dagaal culus oo ka soconaya deegaan hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

 

TalaadoTalaado, November, 24, 2020 (HOL) -Ku dhawaad Toban ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo casirliiqii galabta ka qarxay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ka soconaya deegaan lagu magacaabo Nagaarta ayaa salka ku haya muran la xiriira Baraago-biyo laga cabo oo dhawaantan labada beellood ka heshiiyeen.

Laakiin dagaalkan galabta ka qarxay deegaanka hoostaga degmada Matabaan ayaa ahaa mid aan laga sii warheyn oo si deg deg ah ku bilaawday.

Dhawaan ayeey aheyd markii dhulkan lagu dagaalamayo ay gaareen saraakiil ciidan oo soo afjaray colaad horay isla labadan maleeshiyo beeleed u dhaxmartay. 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira dagaalkan, iyadoo ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadka dirirtu u dhaxeyso.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]