3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Yuusuf Dabageed oo ka hadlay wararka sheegaya in Baledweyne loo diiday madaxweynaha Hirshabeelle
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ineysan jirin cid diidan imaasha Cali Guudlaawe ee magaalada Baledweyne.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed " majirto hal qof oo diidan madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku sugan deegaanada Hirshabeeelle waana imaanaya Baledweyne waxii ka dambeeya maalinta khamiista" ayuu yiri Yuusuf Dabageed

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu ka baaqday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar uu ku tagi lahaa magalada Baledweyne kadib markii ay soo baxeen hanjabaado kasoo yeeray dhaqdhaqaaq ciidan oo ku sugan duleedka magaalada Baledweyne oo ahaa inuusan imaan karin Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu yimaadana ay la dagaalami doonaan taaso keentay inuu dib u dhac ku yimaado safarkii madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa dhankiisa sheegay inuu dhameeyay tabashoyinkii jiray uuna diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo tabasho qabta sida uu hadalka u dhigay Yuusuf Dabageed.

Waxaa sidoo kale jiray maalmahii lasoo dhaafay kulamo dhexmaray maamulka gobolka iyo Sarakiisha ciidamada ka amar qaadato Janaraalka lagu magacaabo Abuukar Xuud oo kusoo dhamaaday fashil iyo is af garan waa.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan 13 KM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
12/2/2020 2:19 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ku dhawaaqay ficillo cusub oo lagula dagaallamayo faafida COVID-19 ee gobolka ka dib markii tirada bukaannada cudurkani sii badatay. Guddoomiye Walz wuxuu ku dhawaaqay 4 toddobaad oo hakad la galin doono howlaha iyo dhaqdhaqaadyada bulshada maadaama isbitaallada ay ku dhow yihiin halis iyo buux-dhaaf.

11/24/2020 2:15 PM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Ku dhawaad Toban ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo casirliiqii galabta ka qarxay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

11/24/2020 1:03 PM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Suudaan uga faa'ideysay khibraddeeda Deyn cafinta.

11/24/2020 10:06 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo khudbad ka jeedinayay shirka musharixiinta uga soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal wareeg ah oo ku tilmaamay dhaqan waayadii ugu danbeeyay lala soo baxay.

11/24/2020 6:36 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 IHOL) - Hoggaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku gacanseyray dalabkii ugu yimid Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo u qabtay 72 saacadood in ay isku soo dhiibaan.

11/24/2020 6:30 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga maamulka Puntland general Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta isbitaal kuyaala dalka Turkiga ugu geeriyooday cudurka Coronavirus iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay xaaladdiisa caafimaad aad looga deyrinayay.

11/24/2020 6:22 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa dilay shan kamid ah qoyskiisa iyo dhaawaca mid kale kadib markii uu ku tuuray bombo gacmeed xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo kuyaala degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

11/24/2020 6:11 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Shirka musharixiinta xilka madaxweynaha ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa maalintiisii afraad galay iyadoo maanta lagu martiqaaday culima'udiinka Soomaaliyeed.

11/24/2020 3:50 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL)- Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen Toddobo gaar oo xamuul ah deegaan ka tirsan gobolka Bakool

11/24/2020 1:03 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqday gobolka Bari halkaas oo ay dhibaatooyin culus ka geysteen roobab dabelyo wata oo maalin ka hor ka dhuftay gobolkaas.

11/24/2020 12:59 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo sida dowladda ugu diyaar garoobayso inay qabato doorasho hufan.

11/24/2020 12:10 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Doorashadii dhaweyd looga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bilaabay hannaan uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee dalkaas Joe Biden, laakiin Trump ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono dacwadiisa dhinaca sharciga.

11/24/2020 12:04 AM EST
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) -La taliyaha dhinaca Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya Gedu Andargacho ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.