4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Trump oo isku diyaarinaya uu xilka ku wareejiyo Biden

 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Doorashadii dhaweyd looga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bilaabay hannaan uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee dalkaas Joe Biden, laakiin Trump ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono dacwadiisa dhinaca sharciga.

Madaxweyne Trump ayaa faray hay'adda dusha kala soconeysa xil wareejinta in ay sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo, taasoo ka dhiggan in madaxweynuhu aqbalay in la bilaabo hannaankii uu xilka kula wareegi lahaa Biden.

Arrinkan waxaa siweyn u soo dhaweeyay taageerayaasha madaxweyne Joe Biden oo Trump kaga guuleystay doorashadii dhaweyd ee dalkaasi ka dhacday.

Go'aanka Trump uu gaaray  ayaa u sahleysa hay'addaha dowladda  in ay si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa uu wajahayay Donald Trump cadaadis uga imanaya xitaa qaar ka mid ah saaxiibadiisa Xisbiga oo kula taliyay in uu aqbalo natiijada doorashada, balse wali kama uusan tanaasulin mowqifkiisii dhinaca sharciga ee ahaa in ay jirto wax is daba-marin lagu sameeyay doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]