3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Golaha Amaanka oo dhageystay warbixin ku saabsan doorashada Soomaaliya

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo xiray shirka Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Golaha Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Ra'iisal Wasaare Rooble  ayaa ugu horreyn ka hadlay  heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

''Waxaa naga go'an in aan qabanno a doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii, waxaan ilaalin doonnaa  qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Guddi gaar ah ayuu sheegay in uu saaray  dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay in ay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu Baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]       













Click here
11/23/2020 12:51 PM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Shirkan oo markiisii hore ku bilaaday musharixiinta garabka mucaaradka oo kaliya ayaa hadda waxaa ku biiraya dhinacyo kale xubno oo isugu jira Ururrada bulshada rayidka iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

11/23/2020 11:39 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaarrada Warfaafinta islamarkaana ka mid ah musharixiinta garabka mucaaradka ee ku shirsan magaalada Muqdisho Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in xafiisyada dowladda laga hurinayo colaad laga abuurayo deegaannada dalka.

11/23/2020 10:54 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhagax-dhigay degmada Galdogob ee gobolka Mudug dhisme ballaaran oo noqonaya xarun Bulsho.

11/23/2020 8:57 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay mas'uuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta maamulka hawada dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

11/23/2020 7:15 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Musharixiinta ku shirsan Muqdisho ee garabka mucaaradka ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi [Soomaaliland] oo uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

11/23/2020 6:12 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Amniga ee ku sugan magaalada New York.

11/23/2020 4:55 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay musiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

11/23/2020 4:49 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wararka lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacay Xafiiska warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Baledweyne madaweynaha Hirshabeelle uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

11/23/2020 2:24 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay xoojiso baaritaanada dilkii loo geystay toddobo shaqaale caafimaad, kuwaas oo bishii May ee sanadkan lagu dilay tuulada Gololay ee degmada Balcad.

11/23/2020 12:15 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo in uu jabiyay qoddobo sharci ah.

11/23/2020 12:12 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Ra'isal wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale.

11/23/2020 12:09 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir qaatay muddo saddex cisho ah oo ay lahaayeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo musaharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo saluugsan sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

11/23/2020 12:04 AM EST
Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Hay'adda Culimada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay uga hadashay khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taaggan doorashada lagu waddo dhawaan in ay dalka ka dhacdo oo ay isku maandhaafsan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas'uuliyiinta dowladda dhexe ee Federaalka.