4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Dhaqdhaaqa Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo diiday in Baledweyne uu tago madaxweynaha Hirshabeelle
 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Wararka lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacay Xafiiska warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Baledweyne madaweynaha Hirshabeelle uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah soo gaaro magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si loogu Caleema saaro.

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa shalay iyo xalay kulamo fashil ku dhamaaday waxaa deegaanka Ceelgaal kula qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa sheegay inaay dagaal ku soo qaadi doono bartamaha magaalada Baledweyne haddii uu soo gaaro Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]