4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Hay'adda Culimada Soomaaliyeed'' Dowladda waa in ay dhigtaan gogol lagu xalinayo khilaafka Doorashada

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Hay'adda Culimada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay uga hadashay khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taaggan doorashada lagu waddo dhawaan in ay dalka ka dhacdo oo ay isku maandhaafsan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas'uuliyiinta dowladda dhexe ee Federaalka.

Qoraalka ka soo baxay culimada ayaa looga baaqay in dhinacyada isku haya doorashada  u turaan dadka iyo dalka, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo culeys ku keeni kara walaaltinimada iyo jiritaankooda.

“Waxaan u soo jeedineynaa dhinacyada kala duwan in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan wadahadal, walaalnimo iyo isu tanaasul,” ayaa lagu yiri bayaanka culumada.

Culimada ayaa dhinaca kale u jeediyay dhinaca dowladda dhexe in ay dhigto gogol lagu turxaanbixinayo khilaafka doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada kala duwan in ay joojiyaan hadallada xanafta leh iyo wax kasta oo hurin kara colaad iyo kacdoon bulsho, dhinaca kalana abuuri kara qalalaase siyaasadeed ayuu lagu yiri bayaan ka soo baxay culimada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]