4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Mahdi Guulleed'' Guddiyada doorashada waa in ay shaqadooda u gutaan si daacad ah

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar  magaalada Muqdisho tababar uga furay guddiyada heer federaal ee loo idmaday in ay ka shaqeeyaan doorashada Soomaaliya ee 2020-21.

Tababarkan oo socon doona sida la sheegay muddo Afar cisho ah ayaa guddiyada lagu bari doonaa nidaamka doorashada, habka loo maamulo iyo xalinta khilaafaadka oo ah shaqada hortaala guddigan oo laakiin dhinaca kale wali sharci--ahaanshiyahoodu dood ka taaggan tahay.

Mahdi Guulleed ayaa sheegay in guddiyadan lagu soo xusha sida uu hadalka u dhigay aqoon iyo waaya-aragnimo, islamarkaana ay kalsooni ku qabaan in ay ka soo baxaan howlaha lagu aaminay, 

 

 ''Waxaan rabaa in aan idila wadaago muhiimada ay leedahay mas'uuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, waan in aad hergalisaan doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah'' ayuu yiri Mahdi Guulleed.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa dhawaan howlgaliyay guddiyadan oo ka kooban heer  dowlad gobolleed iyo heer federaal. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]