4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) –Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha  maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka  Ras’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horreeyay oo meel ka baxsan magaalada Muqdisho uu ku taggo  tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Baydhabo ayaa imanaya xili dalka uu ku jiro olole doorasho, dhinaca kalana siweyn leysugu khilaafsan yahay hannaanka lagu wajahayo doorashada, maamulka Koonfur Galbeedna waxaa uu ka mid yahay maamullada loo tirayo in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]