3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Madaxa hay'adda WHO oo beeniyay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya

 

Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Madaxa hay'adda Caafimaadka Aduunka  WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Dr Tedros in uu u shaqeyso sidii Diblomaasi Tigray ah oo kale islamarkaana taageerro militari iyo mid dhaqaale caalamka uga raadinayo Jabhada gooni u goosadka TPLF.

Hasse ahaatee Tedros ayaa sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, islamarkaana uu taageersan yahay oo kaliya  Nabadda iyo la joojiyo qalalaasha ka jira gobolka.

''Warka ku saabsan in aan dhinac taageersannahay ma'aha mid sax ah, Annniga hal dhinac oo kaliya ayaa taageersanahay waana dhinaca Nabada'' ayuu yiri madaxda hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa horaantii bishan weerar ku qaaday saldhigyada xoogagga TPLF ee Ismaamulka Tigrayga waxaana muuqata in dagaalkan oo wali soconaya uu yeeshay saameyn amni iyo mid siyaasadeed intaba.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    














Click here
12/4/2020 6:20 AM EST
As testing options expand, updated testing criteria can help Minnesotans evaluate when they should get tested and which option may be best

11/20/2020 12:55 PM EST
Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Ciidamo katirsan Puntland ayaa caawa maqribkii lala beegsaday qarax miino iyagoo marayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay HOL, u sheegeen dad goob joogayaal ah.

11/20/2020 12:34 PM EST
Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) - Maalinta Axad ah toddobaadka danbe oo ay taarkhiidu ku beegan tahay 21 bishan November, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo midowga musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

11/20/2020 6:54 AM EST
Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka soo taggay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21, dhinaca kalana ah siyaasiyiin siweyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

11/20/2020 3:09 AM EST
Jimco,November,20,2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

11/20/2020 12:03 AM EST
Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo wareegto ka soo baxay xafiiska Ra''iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaaday ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa iyo in la tashi lagala sameeyay.