4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Xisbiyada mucaaradka Denmark oo walaac ka muujiyay heshiis oggolaanaya in si khasab ah Soomaalida lagu musaafuriyo
 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka dalka Denmark ayaa walaaca kasoo saaray heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeya Danmark iyo Soomaaliya oo ku saabsan musaafurinta khasabka ah.

Denmark ayaa lagusoo waramayaa in heshiiskaan oo aan la shaacin ay la gashay Soomaaliya, kaasoo ku saabsan in lasoo musaafuriyo shakhsiyaadka dalkeeda ka gala dambiyada Drugs-ka iyo xatooyada.

Dhalinyaro Soomaali ah oo dalkaas ku nool ayaa loo xiray dambiyo ay kamid yihiin xatooyo iyo iibinta daroogada, taasina waxay keentay qorshe ah in Denmark  sanad walba 12 qof oo Soomaali ah dalkeeda kasoo musaafuriso.

Xisbiga mucaaradka dalkaas ayaa dalbaday in loo baahan yahay in la cadeeyo arinkaan.

Dukumiinti warbaahintu heshay ayaa xusaya in uu jiro heshiis afka ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo mas'uuliyiinta deenishka, kaasoo  khasab ka dhigaya in la masaafuriyo muwaaddiniinta Soomaalida iyadoo laga mamnuucayo inay ku noolaadaan Danmark.

Warbaahinta ayaa ku warameysa inay heshay dukumiinti sheegaya in heshiis udhaxeeya labada dal uu dhaqan galayo.

Wasaaradda Socdaalka iyo Is-dhexgalka ayaa farriin qoraal ah ku sheegtey in heshiiska Danmark iyo Soomaaliya uu yahay mid sir ah oo aan wax faallo ah oo dambe laga bixin doonin.

“Danmark muddo dheer ayey ka shaqeysay sidii loo dhisi lahaa iskaashi lala yeesho mas'uuliyiinta Soomaalida ah ee la xiriira masaafurinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Denmark ee la geeyo Soomaaliya. Shaqadani waa mid qarsoodi ah iyo codsi ka yimid Soomaaliya, marka wasaaraddu ma awoodo inay ka sii faallooto, ” ayay wasaaraddu u qortay TV2

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]