4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Wasiirka haweenka Soomaaliya oo ka hadashay askari katirsan ciidanka Puntland oo dhaawac halis u geystay gabadh dhalinyaro ah
 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha dowladda federalka Soomaaliya xildhibaan Xaniifa Maxamed Xaabsade, ayaa ugu baaqday maamul goboleedka Puntland, in uu tallaabo ka qaado askari katirsan ciidanka Puntland oo dhaawac u geystay gabadh dhalinyaro ah.

Askarigan ayaa la sheegay inuu xubinta taranka xabbad uga dhuftay Maryan Mursal oo ah Gabadh 20 jir ah, taasoo haatan xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Muqdisho, halkaas oo ay wasiiraddu ku booqatay.

Askarigaan ayaa sida HOL, xogta ku heshay, ka baxsaday magaalada Bosaso, waxaana loo jaray waaran lagusoo xirayo.

Wasiirka haweenka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tahay markii labaad oo magaalada Bosaso fal caynkaan ah uu qof shacab ah ugu geysto askari katirsan ciidamada Puntland.

Wasiir Xaniifa waxay sheegtay in dowladda federalka kiiskaan dabagal ku sameyndoonto sida ay Puntland jawaab uga bixiso xad gudubka loo geystay gabadha lagu dhaawacay Bosaso.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii magaalada Bosaso uu askari katirsan ciidanka booliiska Bosaso dhaawac u geystay gabadh dhalinyaro ah oo ay xiriir lahaayeen.

Askariga oo u baxsaday magaalada Kismaayo ayaa markii dambe gacanta lagusoo dhigay, balse muddo kadib ayuu helay xoriyadiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]