3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe


Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, wasiirka wuxuu booqan doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu wasiirka ku soo gaaray Garoowe, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ayaa u sheegtay warbaahinta.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan inoo xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo ballaarin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargeliyo,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Booqasho uu wasiirka ku tagey Garoowe, waxaa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda oo ay qeyb ka tahay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano,Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/16/2020 12:42 PM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dableey hubeeysan ayaa Caawa xaafada Bundaweyn ee magaalada Baledweyne waxay ku dileen allaha u naxariiste guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyne Cabdi Muxumed oo loo yaqiinay Kuukaay Dheere.

11/16/2020 10:54 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Kulan Maanta oo Isniin ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen Guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

11/16/2020 9:23 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose u magacaabay C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur Siidi oo horey xilkaan usoo qabtay.

11/16/2020 7:16 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dooni kalluumeysi oo ay lahaayeen ganacsatada Puntland kasoo jeeda, ayaa ku caariday xeebta degaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.

11/16/2020 5:52 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe la doonayo in hal Sano lagu kordhiyo muddo xileedka maamulka oo hadda ah Afar Sano.

11/16/2020 12:29 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

11/16/2020 12:22 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 HOL) -Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankoodii caadiga iyaga oo ka uga dooddi doona ajandayaal dhowr ah.

11/16/2020 12:07 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

11/16/2020 12:02 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Iyadoo aad moodo in ay cirka isku sii shareertay doodda ku saabsan Guddiyada Dowladda Federaalka u saartay doorashada 2020-21, ayaa waxaa soo baxaya markan fariimo culus oo ay siyaasiyiinta ka soo horjeeda u dirayaan dowladda.