4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Madaxweynaha Eritrea oo lagu eedeeyay in uu la saftay Abiy Ahmed dagaalka socda gobolka Tigrayga

 

Axad, November, 15, 2020 (HOL)- Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki inuu la saftay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed marka la eego dagaalka ka socda gobolka.

Wuxuu hoggaamiyuhu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen gantaallihii lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Asmara, isaga oo intaan ku darray in aysan jirin goob kale oo ka tirsan Eritrea oo ay duqeeyeen.

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen ciidamada Eritereya, colaada ayaa hadda u muuqata mid gaartay halkii ugu darneyd iyadoo dalkaasi ay isaga cararayaan kumannaan qaxooti ah oo u talaabaya dhinaca dalka Suudan.

Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidamada federaalka ee qaybta waqooyi.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]