3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Qorshe Howleedka Wasaaradda
 


Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo  is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii  u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda  ee sannadkan  iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.

Wasiir Duraan, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashanka cisho ah ee soo socota.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay'adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

"Wasaaradan waxay mas'uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa  sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas." ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda , Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/1/2020 2:40 PM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar ) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar lug ah kagasoo tagay Gaalkacyo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasamada Puntland.

11/1/2020 8:08 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka wakiilada gobolada waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

11/1/2020 6:29 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in sababta socdaalkooda Jowhar ay salka ku heyso in xal waara laga gaaro tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeella ka hor inta aan doorasho la aadin.

11/1/2020 5:54 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay guddiggii soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle shaqadii ay soo qabteen.

11/1/2020 3:16 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/1/2020 2:14 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorsheheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

11/1/2020 2:12 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ay ula macaamisho dalka ka madax banaan Soomaaliya, si ay uga laabato go’aankeedii ay ku joojisay dhammaan howlihii Qaramada Midoobay ay ka waday Somaliland.

11/1/2020 2:09 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

11/1/2020 12:44 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Talaadada soo socoto oo taarikhdu ay ku beegan tahay 3-da bishaan November, ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaan wadanka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan 2020-ka, xilli xaalada cudurka Covid-19 ay kor u sii kaceyso gobollada qaar.

11/1/2020 12:34 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xili la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taala magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.