4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)-  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar waxaa maalintii shalay lagu dhaariyay xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Lama oga ujeedada socdaalka Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii ugu danbeeyayba la sii hadal hayay in uu taggayo magaalada Jowhar.

Hasse ahaatee socdaalkiisan ayaa imanaya xili Hirshabeelle isku diyaarineyso doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka oo dhinac marka la eego dowladda dhexe ee Federaalku saameyn weyn ku leedahay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda hab maamulka dowladda uu madaxeynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana dad badani ay qabaan in socdaalkiisa Jowhar uu salka ku heyo aragti ka duwan tan dowladda ay ku wajaheyso dhismaha Hirshabeellada cusub.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]